Allaha Unaxariistee, waxaa maanta qabuuro ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Muqdisho lagu aasay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi Arbacadii lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Beledwayne.
Aaska Marxuumad Aamino iyo Nabaddoonkeedii oo kamid ah dadka ku dhintay Qaraxyada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad kala duwan oo isugu jira Ehel, Saraakiil Ciidan iyo Shacab kale.
Dadka ka soo qeyb galay Aaska ayaa ka sheekeeyay wanaagii iyo waxqabadkii Xildhibaan Aamino, iyaga oo alle uga baryay in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo.
Xildhibaan Aamina ayaa Shantii sanno ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyada oo markale u sharraxneyd kursiga ay ku fadhisay oo deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Beledwayne.
0 Comments