Subscribe Us

header ads

Maxaa Hortaagan Hirshabeele In Ay Soodhameystirto Doorada ku Raasta Ku Harasan Baladweyne

 Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in soo gudbinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso.







Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada afarta kursi ee Golaha Shacabka la qaban doono 27-ka bishaan, waxaana doorashadaas ka dhaceysaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa weli dhameeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana  Maamulka Jubbaland ay caqabad siyaasadeed ka heysataan deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.

Post a Comment

0 Comments