Subscribe Us

header ads

Ruushka haddii uu adeegsado Kiimika waxa uu la kulmi doonnaa jawaab ka dhan ah ficilkaas

 Magaalada Brussels caasimadda Biljamka ahna xarunta Midowga Yurub waxaa ku kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & qaar kamid ah Madaxda Qaaraddaas oo isku fahmay qorshaha lagu cadaadinayo Ruushka oo Ukraine weeraray 24kii Febaraayo 2022.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku goodiyay in Haddii Xukuumadda Moscow adeegsato Hubka Kiimikada in jawaabta ficilkaas ay kala kulmi doonto Dowladdiisa iyo kuwa Yurub oo iskaashanaya sida uu hadalka u dhigay.

Biden oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Isbaheysiga NATO ayaa sheegay in Ruushka laga saari doonno xubinnimada Ururka Dalalka ku horumaray Dhaqaalaha ee G20 oo dhowaan lagu wado in kulankooda uu ka dhaco Magaalada Jakarta ee Indonesia.

Washington ayaa qaadaneysa 100,000 oo kamid ah Dadka ka qaraxy Ukraine si dib u dejin ay u helaan maadaama Ruushka uu burburiyay Guryihii ay degenaayeen iyada oo weli duqeyn xooggan ay ku wadaan Ciidamada Moscow.




Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub ayaa Ukraine u ballanqaaday in ay ka difaaci doonaan haddii uu weeraro Ruushka balse ma dhicin arrintaas kaddib Markii Moscow ay ku dhiiratay duullaan toos ah oo ay ku qaaday Dhiggeeda Kyiv 24-02-2022.

Waddamada is xulufeysanayaa ee Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska & Poland ma qaadin wax tallaab ah, jawaabtooda ayaa kusoo uruurtay in ay afka kala dagaalamaan Ruushka inkasta oo aan la ogeyn sababta kahor istaagtay in ay dagaalka tooska ah ku biiraan.

Post a Comment

0 Comments