Subscribe Us

header ads

Heerkee ayay gaarsiisan tahay Abaarta Soomaaliya?

 Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaar saameyn taban ku yeelatay Dadka iyo Duuntada, Deegaannada ayaa ka daran, Haraadka dad badan waxa uu ku sababay in ay isaga tagaan Guryahooda si noloshooda ay ugu raadiyaan meelaha ay u arkaan in ay ku badbaadin karaan.

Cunno la’aanta, Biyaha oo laga waayay Ceelasha, Dhulka oo dooggii ka guuray, Xoolaha oo tarab-tarab u dhammaanaya, Dadka oo muuqaal ahaan is badelay iyo Dhacdooyin kale waa macluumaadka laga soo gudbiyay Gobolladu Abaartu saameynta taban ku reebtay.





Gobolka Gedo, Deegaanno dhowr ah ayaa cidlo ah oo Dadkii degenaa ayaa isaga barakacay, Xoolo kooban ayuu qoys weliba la aaday Deegaanka uu arko in uu ku helayo “Biyo” oo ah waxa ugu weyn ay raadinayaan Dadkaan.

4.5 Milyan oo ruux oo intooda badan ku nool Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koofur Galbeed ayaa xaalado cunno iyo biyo la’aan la nool, Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay waxa ay cabsi ka muujiyeen in Macluul ay wajahaan.




10-kii sanno ee lasoo dhaafay oo ay la daalaacayeen Abaarta balse marka la eego sanadii ugu dambeeyay waa ay uga duwanaayeen sababtoo ah waxaa Deegaannada qaar ka da’ay roob kooban halka meelaha qaar aanay ka da’in.

Xaawo Fargod, Waxa ay ka barakacday Tuulada Ceelboon ee Degmada Waajid Gobolka Bakool DG Koofur Galbeed, 4 cisho ayay sheegtay in ay socod lug ah ku tagtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo si ay halkaas ugu hesho nolol uga wanaagsan tan Tuuladii ay ka tagtay.

“Ma heysano cunno iyo biyo, xaaladda ayaa sii adkaatay oo waxa aan ka welwelnay sidii aan noloshoona u maareyn lahayn iyada oo lagu jiro xaaladdaan adag, alle waxa aan weydiisaneynaa gargaar” ayay tiri Xaawo Fargod.












Adam Abdelmoula, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Bani aadamnimada ayaa sheegay in Carruurta iyo Haweenka ay ugu nugul yihiin Macluusha, 5tii sanno u dambeysay xaalado adagna ay wajahayeen.

“4.5 Milyan oo Carruur u badan oo da’ ahaan ka yar 5 sano ayay macluul heysaa, waxa ay wajahayaan xaalado halis ah oo haddii aan loo istaagin khatar ku noqon karta nolosha carruur kale oo abaartu saameysay” ayuu yiri ku xigeenka UNSOM.








Qaramada Midoobay ayaa ku doodday in qoysaska Abaartu saameynta taban ku reebtay in nolosha adag ay galeen kaddib markii Ayax uu ka baabi’iyay dallagii ay ku baxsan lahaayeen xiliyadaan oo kale, Xayiraadda COVID-19 & Dagaallada siyaasadeyn ee dunida ka socda

Post a Comment

0 Comments